Wax ka ogow sheekada xiisaha badan ee ku jirta filimka Bharat ka hor inta aadan daawan



Filimka Bharat oo ay matalayaan Aktarka weyn ee Salmaan khan iyo Katrina Kaif ayaa laga daawanayaa shineemooyinka hindiya maanta oo ah ciid.

Xaqiiqooyinka ku jira filimkaan ayaa ah kuwo aad u xiiso badan maadaama mudo dheer la sugaayay.

Hadal haynta filimkaan, heesa macaan iyo xayeesiinta layaabka leh ee loo sameeyay markaad eegto wuxuu kugu qasbayaa in aad daawato filimka Bharat.

Filimka wuxuu ka hadlayaa jacayl dhexmaray Salman iyo Katrina mudo 50 sano ah.

Afar wadan oo lagu duubay filimka

Filimka waxaa lagu duubay Malta, Abu Dhabi iyo Spain, gudaha hindiyana waxaa lagu duubay
New Delhi, Mumbai iyo Punjab.

Salman Khan iyo Kartina Keif  waa filimkoodii sadexaad oo uu kula jiro director
Ali  Abbas Zafar. Salman wuxuu kala soo shaqeeyay directorkaan  Tiger Zinda Hai iyo Sultan,
 Katrinana wuxuu u sameeyay Mere Brother Ki Dulhan iyo Tiger Zinda Hai.

Waxyaabaha kaloo xiiisaha u yeelaayo waxaa ka mid ah waa markii shanaad oo Salman Khan iyo Jackie Shroff ay wadaagaan shaashada. Labada aktar waxay wada jileen Bandan, Kyon Ki,
Veer iyo Kahin Pyaar Na Ho Jaye.

Aktarkan megastar ka ah ayaa dadaal badan u galay filimkaan darteed u sameeyey waxyaabo uusan jecleen oo ah artificial body  oo ah in muuqaalkiisa la badalo.

Salman iyo Katrina oo ah labo qof oo aad isugu dhow oo is qadariya ayaa markoodii lixaad wada matali doono kadib filimadii ay wada dhigee ee Pyaar Kyun Kiya , yuvvraaj, Ek Tha Tiger iyo
Tiger Zinda Hai.



No comments:

Post a Comment