Daanyeer Qolka ugu soo Galay Atariisho Hindi Ah iyo arin layaab oo ay aragtay


"Waa nolol Burcadnimo ah" ayay tiri  Soundarya Sharma kadib markii uu daanyeer ugusoo galay qolkeeda.

Waxay tiri wuxuu soo galay qolkeeyga wuuna diiday inuu baxo  markii uu quraacday kadib.

Daanyeerkaan oo quraacdii kadib xitaa seexday sariirteeda.
Arintaan qosolka leh ayaan ayaa qabsatay social mediaha maanta kadib markii Soundarya ay video ka duubtay saacadihii layaabka lahaa waxayna soo dhigtay Instagramkeeda.

qoraal ay soo raacisay videoga ayaa u qornaa sidaan"Thug life...He intered my room early morning
and refused to leave after his breakfast...Rested and slept on my bed after his breakfast while all  I was doing is  screaming and recording as I had no other way out.

"Waa burcadnimo... wuxuu soo galay qolkeyga saakay aroortii wuxuuna diiday inuu baxo kadib quraacsiisii... wuu nastay  wuxuuna seexday sariirtayda markuu quraacday kadib xiligaasoo waxa kaliya aan aniga sameenaayay ay aheyd inaan qeyliyo isla markaasna duubo maadaama aan waayay wado kale aan ku baxo.

Videogaan ayaa helay in ka badan 64,000 oo daawasho ah dahanka Twitterka iyo commentiyo layaab leh oo dhanka Instagramka ah waana wararka maanta laisla dhexmaraayo social mediaha iyo boqol kun oo jeer ladaawaday videoga.

Filimkii ugu dambeeyey oo ay aktaradani waday wuxuu ahaa Ranchi Diaries  2017.
Filimka sidoo kale waxaa ku jiray Anubam kher(lacageey lacag).



No comments:

Post a Comment