Bayern Munich oo ka dulqaadi rabto Paulo Dybala Manchester United





Paulo Dybala ayaa macquul ah inuu ku biiro Bayern Munich  xagaaygaan  halkii uu aadi lahaa Manchester United.

kooxda ugu awooda badan horyaalka jarmalka ayaa qorsheenaysa in ay siiyaan Juventus lacag dhan 80 milyan pound si ay u helaan laacibka reer Argentine.

Dybala wuxuu dhaliyey toban goal halka lix marna uu caawiyey 42 kulan ee uu saftay horyaalkii dhamaaday.


sanadkaan bilowgiisa waxaa laacibkaan aad loola xiriirinaayey naadiga Manchester United.

Laakiin sida ay SunSport ka soo xigatay Corriere Dello Sport naadiga  jarmalka ayaa hogaanka u heyso tartanka iyagoo ku qancinaaya 25 jirkaani in safka koowaad ee joogtada ha laga dhi doono.

weeraryahankani ayaa kulamada intii badneyd keydka kusoo biloowday tan iyo markii Cristiano Ronaldo ku soo biiray kooxda sanadkii tagay waxaana la leeyahay ciyaaryahankani kuma faraxsaneyn kooxda.


No comments:

Post a Comment