Daanyeer Qolka ugu soo Galay Atariisho Hindi Ah iyo arin layaab oo ay aragtay


"Waa nolol Burcadnimo ah" ayay tiri  Soundarya Sharma kadib markii uu daanyeer ugusoo galay qolkeeda.

Waxay tiri wuxuu soo galay qolkeeyga wuuna diiday inuu baxo  markii uu quraacday kadib.

Daanyeerkaan oo quraacdii kadib xitaa seexday sariirteeda.
Arintaan qosolka leh ayaan ayaa qabsatay social mediaha maanta kadib markii Soundarya ay video ka duubtay saacadihii layaabka lahaa waxayna soo dhigtay Instagramkeeda.

qoraal ay soo raacisay videoga ayaa u qornaa sidaan"Thug life...He intered my room early morning
and refused to leave after his breakfast...Rested and slept on my bed after his breakfast while all  I was doing is  screaming and recording as I had no other way out.

"Waa burcadnimo... wuxuu soo galay qolkeyga saakay aroortii wuxuuna diiday inuu baxo kadib quraacsiisii... wuu nastay  wuxuuna seexday sariirtayda markuu quraacday kadib xiligaasoo waxa kaliya aan aniga sameenaayay ay aheyd inaan qeyliyo isla markaasna duubo maadaama aan waayay wado kale aan ku baxo.

Videogaan ayaa helay in ka badan 64,000 oo daawasho ah dahanka Twitterka iyo commentiyo layaab leh oo dhanka Instagramka ah waana wararka maanta laisla dhexmaraayo social mediaha iyo boqol kun oo jeer ladaawaday videoga.

Filimkii ugu dambeeyey oo ay aktaradani waday wuxuu ahaa Ranchi Diaries  2017.
Filimka sidoo kale waxaa ku jiray Anubam kher(lacageey lacag).



Hrithik Roshan iyo dheeshiisii cajiibka aheyd .daawo video xasuus hore ah.


Shaki kuma jiro in Hrithik Roshan lagu jeclaaday  danciga layaabka leh ee uu ku caanbaxay, waana haybad u gaar ah ee uu uga duwanyahay aktarada kale.

Mid kamid ah qoobka ciyaarkiisa  ugu caansan wuxuu ku dheelayaa heesta  Tu Meri oo ku jirtay filimka Bang Bang oo uu ku soo bandhigay dheel cajiib ah.

Videogaan waxaa  hada soo dhigay bartiisa Instagramka Bosco Martis oo ah macalinka
dheesha isku aadiyo. Wuxuuna ku soo qoray "video hore oo bandhig  tababarasho ah iyo ninka sida cajiib ah u dheela. Maxaan waqti fiican ku soo qaadanay duubista music videogaan".

Halkaan ka daawo.



                                                                                 
Bang Bang waa filim action comedy ah waxaana director ka ahaa Siddharth Anand sidoo kale waxaa ku jirtay Katrina keif.
Sanadkii tagay website caalami ah ayaa Hrithik Roshan u doortay aktarka ugu quruxda badan aduunka iyadoo waxyaabaha lagu xushay logu saleeyay shaqsiyadiisa ,qaabdhismeedka jirkiisa iyo taageerashaa tirada badan ee uu ku leeyaha aduunka. Aktarka wuxuu kuga guuleeystay biladaani aktarada Hollywoodka sida Robert Pattinson, Chris Evans iyo kuwo kale.



Wax ka ogow sheekada xiisaha badan ee ku jirta filimka Bharat ka hor inta aadan daawan



Filimka Bharat oo ay matalayaan Aktarka weyn ee Salmaan khan iyo Katrina Kaif ayaa laga daawanayaa shineemooyinka hindiya maanta oo ah ciid.

Xaqiiqooyinka ku jira filimkaan ayaa ah kuwo aad u xiiso badan maadaama mudo dheer la sugaayay.

Hadal haynta filimkaan, heesa macaan iyo xayeesiinta layaabka leh ee loo sameeyay markaad eegto wuxuu kugu qasbayaa in aad daawato filimka Bharat.

Filimka wuxuu ka hadlayaa jacayl dhexmaray Salman iyo Katrina mudo 50 sano ah.

Afar wadan oo lagu duubay filimka

Filimka waxaa lagu duubay Malta, Abu Dhabi iyo Spain, gudaha hindiyana waxaa lagu duubay
New Delhi, Mumbai iyo Punjab.

Salman Khan iyo Kartina Keif  waa filimkoodii sadexaad oo uu kula jiro director
Ali  Abbas Zafar. Salman wuxuu kala soo shaqeeyay directorkaan  Tiger Zinda Hai iyo Sultan,
 Katrinana wuxuu u sameeyay Mere Brother Ki Dulhan iyo Tiger Zinda Hai.

Waxyaabaha kaloo xiiisaha u yeelaayo waxaa ka mid ah waa markii shanaad oo Salman Khan iyo Jackie Shroff ay wadaagaan shaashada. Labada aktar waxay wada jileen Bandan, Kyon Ki,
Veer iyo Kahin Pyaar Na Ho Jaye.

Aktarkan megastar ka ah ayaa dadaal badan u galay filimkaan darteed u sameeyey waxyaabo uusan jecleen oo ah artificial body  oo ah in muuqaalkiisa la badalo.

Salman iyo Katrina oo ah labo qof oo aad isugu dhow oo is qadariya ayaa markoodii lixaad wada matali doono kadib filimadii ay wada dhigee ee Pyaar Kyun Kiya , yuvvraaj, Ek Tha Tiger iyo
Tiger Zinda Hai.



Bayern Munich oo ka dulqaadi rabto Paulo Dybala Manchester United





Paulo Dybala ayaa macquul ah inuu ku biiro Bayern Munich  xagaaygaan  halkii uu aadi lahaa Manchester United.

kooxda ugu awooda badan horyaalka jarmalka ayaa qorsheenaysa in ay siiyaan Juventus lacag dhan 80 milyan pound si ay u helaan laacibka reer Argentine.

Dybala wuxuu dhaliyey toban goal halka lix marna uu caawiyey 42 kulan ee uu saftay horyaalkii dhamaaday.


sanadkaan bilowgiisa waxaa laacibkaan aad loola xiriirinaayey naadiga Manchester United.

Laakiin sida ay SunSport ka soo xigatay Corriere Dello Sport naadiga  jarmalka ayaa hogaanka u heyso tartanka iyagoo ku qancinaaya 25 jirkaani in safka koowaad ee joogtada ha laga dhi doono.

weeraryahankani ayaa kulamada intii badneyd keydka kusoo biloowday tan iyo markii Cristiano Ronaldo ku soo biiray kooxda sanadkii tagay waxaana la leeyahay ciyaaryahankani kuma faraxsaneyn kooxda.


Maxaad kala socotaa 10ka xidig ee ugu weyn bollywoodka kuwaas oo aan xaq u lahayn codbixinta india.


                                                                                                                                                                       Xidigahaani caanka ka ah Bollywoodka 
waxay ku hadlaan lahjada saxda ah ee luuqada 
hindiga taas oo u suurta galisay
bollywoodka laakiin ma ahan hindi dhalad ah.
Qaarkood waxay ka soo jeedaan dalal kale halka qaar 
kaloo badan ay heystaan labo dhalasho.

1 Deepika Padukone

 In kastoo ay ku kortay Bangalore hadana  
waxay ku dhalatay Copenhagen, Demark
waxayna haysataa Danish passport.



2 Akshay kumar

   Aktarkaani punjabiga ah wuxuu haystaa  
Canadian passport wuxuuna iska joojiyay 
dhalashada hindiya, taasi waa sababta aan 
marnaba loo arkin sawiradiisa isaga oo codeynaya.




3 Alia Bhatt 

   Alia Bhat waxay haysataa British passport hooyadeed 
Soni Razdan oo asalkeedu yahay British darteed.




4 Katrina Kaif


   Inkastoo Katrina ay ku dhalatay Hong Kong 
sidoo kale waxay haysataa British passport.




5 Jacqueline Fernandez

    Inkastoo ay haysato Sri Lankan passport, 
Atariishadani xaqiiqdii faraceedu 
waa Bahrein iyo Malaysian.




6 Nargis Fakhri

    Atariishadaan 'Rockstarka ah waxay haysataa 
American passport waxayna markii ugu horreysay 
ka qeybgashay American tv  fashion show 
ka hor intaanay shidin bollywoodka.




7 Imran Khan

   Waa American dhalad ah waxaana waajib ku noqon
doonta bixinta 10 sano canshuurahood hadii 
uu goaansado inuu wareejiyo dhalashadiisa.





8 Sapna Pabbi 

Atariishadaani waxay ka soo jeedaa London
 waxayna haysataa British passport




9 Amy Jackson 

Amy Jackson sidoo kale waa British




10 Evelyn Sharma


Waxaan ku aragnay atariishadan filimkii
'Yeh Jawaani Hai Deewani'. waxay ku dhalatay 
Frankfurt aabaheed waa Punjabi hooyadeedna
German waxayna haysataa German passport.